Warka xumi durba wuu faafaa, Iska kay iloow in aad tiri way isoo gaadhay.
Sawiradii iyo waraaqihii dhinaceyga yaalay (aan hayey anigu) in aad rabta way isoo gaadhay,
Ha murugoon gacalisadeydaay, markale kaa soo hor bixi maayo,
Markii u dambeysay baan warqad kuu soo qorayaa, aniga xusuustaada ayaa igu filan.
Ha ilaawin adduunkan ma waaro, Ilaahii na galiyey ayaa nafta qaada
Aniga sideen adiga kuu iloowaa ruuxdeyda oo aan jirka ka bixin?
Ubax qalalay ayaan ka dhex helay waraaqihi dhexdooda,
Kaas kaliya ayaan qarsanayaa, isagana wax weyn (oo aan kaa reebtay) ha u arkin.
Caashaqa kiisa u qurxoon baan sannado soo wada qaadanay,
Dhamaan heesaha murugada leh baa ikaa soo xasuusisaya
Ha ilaawin adduunkan ma waaro, Ilaahii na galiyey ayaa nafta qaada
Aniga sideen adiga kuu iloowaa ruuxdeyda oo aan jirka ka bixin?
Garbihii iyo baalashii waan ka burburay, dhul iyo hoy midna ma heysto
Sida shimbiraha bilaa buulasha ah oo kale bay wadadeydii waxay gashay dhul qurbe ah,
Shawrigeygii dheeraayeey (Gabadha buu geedkaas ku matalayaa) dartaa baan u xamilayaa qadartaan ,
Haddii uu sidaan Eebbe noo qoray ciidda madoow (dhimasho) baa igu filan.
Ha ilaawin adduunkan ma waaro, Ilaahii na galiyey ayaa nafta qaada
Aniga sideen adiga kuu iloowaa ruuxdeyda oo aan jirka ka bixin?